Posts

AMAAN DUMAR, GABAY

Image
1. Xasanow         dhawaaq gabay haddaad iga          dhaguugayso  2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye  3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay    7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaba  n  wanaageda    9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo    jeedo 10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso  11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e    13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda  14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada   gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay d...

DIIN, SOONKA, WAX KA OGOW SOONKA

Image
Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta. Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”. Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan? Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan...

XIKMADO GUUD

Dunida, qofna aad ha ugu tiirsanaan. Waayo xataa hooskaguba wuu kaa hadhaa markaad gasho mugdiga. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii gudaha laga jebiyo noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan. Waxa jira labo ka mida samirka: ku samirka waxa ku dhibaya iyo ka samirka hawadaada. Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da'na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga. Guusha dadka kale ma aha Adiga Guuldaradaada ama Fashilkaaga, marnaba ha ka xumaan qof kale Guul uu gaaray. Is diyaarin, dadaal badan, doonid joogta ah, Dulqaad & Duco ayaa inta badan ah sababaha Guusha.