XIKMADO GUUD


  1. Dunida, qofna aad ha ugu tiirsanaan. Waayo xataa hooskaguba wuu kaa hadhaa markaad gasho mugdiga.
  2. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii gudaha laga jebiyo noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan.
  3. Waxa jira labo ka mida samirka: ku samirka waxa ku dhibaya iyo ka samirka hawadaada.
  4. Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da'na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga.
  5. Guusha dadka kale ma aha Adiga Guuldaradaada ama Fashilkaaga, marnaba ha ka xumaan qof kale Guul uu gaaray. Is diyaarin, dadaal badan, doonid joogta ah, Dulqaad & Duco ayaa inta badan ah sababaha Guusha.

Popular posts from this blog

AMAAN DUMAR, GABAY

DIIN, SOONKA, WAX KA OGOW SOONKA