AMAAN DUMAR, GABAY
1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso 2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay 7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaba n wanaageda 9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo 10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso 11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e 13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay d...